Fiidiyowgan waxuu ka hadlayaa macluumaad muhiim ah oo ku saabsan wax ku bilaabida Impact at Home! Fadlan daawo ugu dambaynta taariikhda 27-ka Abriil si aad wax badan uga barato qalabyadeena ee Barashada Fogaanta/Masaafada (Distance Learning)!
Websaydkan waa boggaaga ardayga ee assaasiga ah. Waa inay ka bilaabaan halkan maalin walba, oo ay riixaan/gujiyaan sawirka macalinkooda. Ka dibna, waxaa la geyn doonaa boggooda fasalka, oo leh sawirro ku xirraya ilaha ay u baahan doonaan maalintaa.
Raadiyaha Impact at Home wuxuu idaacayn doonaa farriinta subaxnimada ee ka socota maamulaha, wuxuuna xasuusin doonaa ardayda marka la gaaro wakhtiga laga gudbi lahaa hal waxqabad oo loo gudbi lahaa waxqabadka xiga. Inta intaa udhaxeysa, ma idaacin doono wax cod ah, marka looma baahan doono in la riixo joojinta/hakinta. Waxaan ka codsaneynaa ardayda in ay u daayaan inuu shidnaado maalinta oo dhan si ay u maqlaan ogeysiisyadaa muhiimka ah.
Ardayda waxay isticmaali doonaan Zoom si ay ugu biiraan kulanada fiidiyowga ee Jadwaleysan oo ay lagalayaan fasalkooda oo dhan, kooxo yar yar, iyo kulanada ah (hal iyo hal) 1:1 oo ay kula kulmayaan lataliyahooda. Daawo fiidiyowga si aad wax uga baratid sida loo isticmaalo Zoom marka ugu horreysa iyo sida aad u xiri karto codkaaga iyo sida aad u furi karto codkaaga. Ardayda waxay mar walba awoodi doonaan inay ka helaan xiriirinta/linki-ga Zoom ay u baahan yihiin bogga assaasiga ah ee fasalkooda.
Clever wuxuu u oggolaanayaa ardayda inay si fudud u galaan application-ka/barnaamijka ay isticmaali doonaan. Ardayda dib dambe uma baahnaan doonaan inay xasuusnaadaan dhowr erayada sirta ah; marka ay app-yada/barnaamijyada isticmaalaan Clever, waxay u baahan yihiin hal kaliya.
Lexia waxay bixisaa waxbarasho cad, nidaamsan, oo shaqsi-ahaan ah ee xaga xirfadaha wax qorista iyo wax akhrinta ee aasaasiga ah. Iyaga oo ay ardaydaadu dhex-gudbayaan waxqabadyada wax qorista iyo wax akhrinta ee Lexia, softiweerku wuxuu la jaan qaadi doonaa awooda ardaydaada isagoo siinaya tilmaamo bartilmaameedsan. Kadib marka uu ardaygaagu ku shaqeeyo Lexia, macalimiinta Impact waxay arki karaan sida uu ardaygaagu wax u wado una istimaalayaan macluumaadkaasi si ay u siiyaan tilmaamaha saxda ah marka ay la shaqeynayaan ardaygaaga gudaha kooxo yaryar.
Amira waa macalin wax akhris ee internetka ah! Waa nooca ugu horreeyey ee nooceedan oo kale, Amira waxay dhagaysanaysaa ardaygaa oo wax aqrinaya oo runtii joogsaneysa oo ay soo dhexgeli marka uu ardaygaagu u baahdo taageerid. Amira waxay kugula talineysaa sheekooyin habboon oo adag oo xitaa siinaysaa ardaygaaga doorasho ah in uu wax ka akhriyo mowduucyada uu xiisaynayo. Amira waxay qiimeysaa wanaaga wax akhrinta afka ah iyo waxay falanqeyn khaladaadka si loo ogaado awoodaha iyo meelaha u baahan horumarin. Kadib marka uu ardaygaagu akhriyo, macalimiinta Impact waxay arki karaan sida uu ardaygaagu wax u wado una isticmaalayaan macluumaadkaasi si ay u siiyaan tilmaamaha saxda ah marka ay la shaqeynayaan ardaygaaga gudaha kooxo yaryar.
Dreambox waxay leedahay manhaj adag, ku-aadisan heerar sare oo ku saleysan caddeyn si kor loogu qaado horumarka iyo fahamka fikireed ee qotada dheer ee ardayga iyadoo lagu dhiirigelinayo wadooyin kala duwan maka ay tahay xalinta dhibaatooyinka. Dreambox waa muuqaal/hordhac ciyaara/game-yada oo kale oo uu ardaygaagu jeclaan doono! Isaga oo uu ardaygaagu ku shaqeynaya Dreambox, barnaamijku wuxuu la jaan qaadayaa awoodda ardaygaaga si ay dhammaan ardaydaadu ay u helaan tilmaamo shaqsiyeedsan ee ah heerkooda saxda ah.
Chess waa ciyaar istiraatiijiyad ah oo cajiib ah oo ay dhammaan ardayda Impact ku heli doonaan fursad ay wax ku bartaan! ChessKid waxay baraysaa ardayda sida loo ciyaaro ciyaarta Jeeska (Chess) waxayna u oggolaanaysaa inay ciyaaraan ciyaaro jees (chess) oo dhab ah marka ay kordhiyaan awoodooda.
Fasalka 2aad kaliya
Ardayda Impact waxay u baahan yihiin xirfadaha kombiyuutarka oo xoogan laga bilaabo aasaaska hoose ee teeb ku qorsita! Xirfadaha teeb ku qorista (typing) waxay kordhin doontaa awooda ardaygaaga ee ah dhex-marida/wax-ka-eegida adduunka khadka internet-ka iyo marka ay u sii gudbaan fasalka 3aad si ay wax u qoraan, u dhammaystiraan soo-bandhigida (presentations), u sameeyaan cilmi-baaris iyo ay bartaan sida loogu diro emayl xirfadeysan kombiyuutarka.
Xannaanada-caruurta iyo fasalka koowaad keliya
Ardayda Impact waxay u baahan yihiin xirfadaha kombiyuutarka oo xoogan laga bilaabo aasaaska hoose ee teeb ku qorsita! Xirfadaha teeb ku qorista (typing) waxay kordhin doontaa awooda ardaygaaga ee dhexmarida/wax-ka-eegida adduunka khadka internet-ka iyo marka ay u sii gudbaan fasalka 3aad si ay wax u qoraan, u dhammaystiraan soo-bandhigida (presentations), u sameeyaan cilmi-baaris iyo ay wax ka bartaan sida loogu diro emayl xirfadeysan kombiyuutarka.
Miyaad rabtaa inaad wax ka ogaatid diraasaddaha sayniska iyo cilmiga bulshada? BrainPOP Jr. waa goob fiidiyowyo waxbarasho, ciyaar, iyo waxqabad oo loogu talagalay ardayda xanaanada-caruurta ilaa iyo fasalka 2aad. Bogga assaasiga ah waxaa loo qaybiyey xisaabta, akhriska iyo qorista, sayniska, cilmiga bulshada, caafimaadka, iyo farshaxanka iyo teknelojiyada. Marka hore, ardaydu waxay dooranayaan mid ka mid ah lixda maado ee assaasiga ah. Markay gujiyaan/riixaan maaddada, waxay u kala bahaan qaybo badan oo gaar ah. Qayb kasta waxaa hoos yimaada, mawduuc fiidiyow oo hal ah iyo waxaa muuqan boggaga waxqabadyada. Ardaydu waxay sahamin karaan mowduucyo kala duwan oo badan iyaga oo wax ka baran adduunka ku xeerarsan.
Sayniska kumbuyuutarka wuxuu kobciyaa hal abuurka wuxuuna ardayda baraa xirfadaha fekerka muhiimka ah si ay u noqdaan bartayaal firfircoon, sidaa darteed dugsiga hoose waa wakhtiga ugu habboon ee ardayda lagu bilaabi karo barida sayniska kombuyuutarka. Code.org wuxuu barayaa ardayda aasaaska kood qorida (coding) iyagoo isticmaalaya ciyaaraha carruurta u fudud!
Miyaad dooneysaa ardaygaagu inuu barto luqad cusub ama uu horumariyo laqadooda afka Ingiriisiga? Duolingo waxay bixisaa 94 koorsooyin ah barashada luuqadda oo kala duwan oo ku habboon dhammaan heerarka awooda. In ka badan 300 milyan qof ee adduunka ku nool ayaa isticmaala Duolingo si uu uga caawiyo barashada luqaddaha. Casharada xiisaha leh, ee ciyaarta-u-eg ayaa ku hayn ardayda dhiirrigelin iyo in ay xiiseeyaan luqadda. Casharrada Duolingo waxay siinayaan arday walba jawaab-celin shaqsiyeedsan iyo ku celcelin/tababarid, iyagoo u diyaarinaya inay ka helaan faa’iidada ugu badan barashada luqad cusub.